Wararka Maanta XULKA IYO MUUQAALLO

DEG DEG + DAAWO VIDEO: Madaxweyne Muuse Biixi oo cabsi weyn ka qaba Farmaajo‚ ‘‘Waan Aragnaa Farmaajo wuxuu ku soo socdaa Somaliland‘‘!

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxwaynaha Xukuumadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Sabtidii maanta ka hadlay arimo badan oo ay ka mid tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo xaaladda guud ee Somaliland.

Muuse Biixi, ayaa sheegay, in deegaannada Somaliland ay ugu duwan yihiin Soomaalida kale hadalada inta badan aan munaasabka aheyn oo ay warbaahinta isku mariyaan, isagoona carab dhabay in Somaliland tahay dad mideysan, dimuqraadi ah oo hadane is-jecel.

Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland ayaa ka hadlay, saameynta geeska Afrika uu ku leeyahay guud ahaan caalamka, barwaaqada ku duugan ee shidaalka iyo kheyraadka badda, taasoo keentay dowladdo xooggan loolan u soo galaan.

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa si kulul u weeraray una dhaliilay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoona shaaca ka qaaday in ay ku soo wajahan tahay deegaannada Somaliland.

”Magaalada Kismaayo dagaal ayaa ka socda, Xamar dagaal ayaa ka socda oo Madaxwayneyaashii ayaa lagu xirayaa,  Dhuusamareeb dagaal ayaa ka socda, Puntland baa u dambaysay oo wataa la Qarxiyey,  Hadda kadib waxay Dowladda Federaalku u soo tababaraneysaa Somaliland,   Waan Aragnaa Waxaad soo wado Farmaajoow”, Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Halka hoose ka Daawo Muuqaalka Muuse Biixi:

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

UPDATE: Maxay beesha caalamka ka tiri heshiiskii ay gaareen Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta?

XOG XASAASI: CCW oo ka hadlay sababta uu ku diiday Madasha Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif!

XOG: PUNTLAND oo shaacisay in xal rasmi ah laga gaaray Xiisadii ka taageyd magaalada Boosaaso! (Maxaa cusub?)

Wasiir ka tirsan DF Somaliya oo sheegay inay dhawaan billaabaneyso soo xulista Xildhibaanada Koonfur Galbeed

SAWIRRO: Guddoomiye Cumar Filish oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho, kaddib safar uu…

XOG XASAASI AH: Maxaa ka jira in Xukuumada Somaliland ay la heshiisay Jabhad dagaal ka dhan ah iclaamisay?

DAAWO SAWIRRO: Baarlamaanka Puntland oo maanta Ansixiyay guddiga doorashooyinka Puntland

Qarax Qasaaro Geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Post Comment