Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug oo maanta howlihii nabadeenta ka billaabay Dhuusamarreeb

0

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Xubnaha guddiga qaran ee dib u heshiisiinta Galmudug oo shalay gaaray magaadalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa la filayaa in ay billaabaan howlihii nabadeynta ee loo igmaday.

Wafdiga oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga ahna la taliyaha ra’iisul wasaaraha arrimaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyow waxaa halkaa kusoo dhaweeyay guddomiyaha gobolka Galgaduud Axmed Cali Jimcaale.

Guddigan oo ka kooban 12 xubnood ayuu xafiiska ra’iisul wasaaraha oo kaashanaya wasaradda arrimaha gudaha u xil saaray qabanqaabada shir lagu heshiisiinayo dadka deegaannadaas oo ku kala argti duwan siyaasadda ka hor inta aan la gaarin doorashooyinka ku soo wajahan GalMudug.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ku sugan gobolka, saddexdii todobaad ee ugu dambeyay ayaa wada dhankiisa dadaallo xasillooni siyaasadeed loogu soo dabbaalayo maamulkaas.

Xukuumadda Soomaaliya iyo urur diimeedka Ahlu-sunna Wal-jamaaca ayaa dhawaan wada gaaray heshiis ciidamada ururka lagu qarameynayo laguna biirinayo kuwa ka amar qaata dowdda Soomaaliya.

Dadaallada dib u heshiisinta ee dowladda federaalka ay ka waddo magaalada Dhuusamareeb ayaa la rajaynayaa in ay ka soo baxaan go’aan waxtar leh oo lagu soo afmeero khilaafka siyaasadeed ee muddada soo jiitamayay ee Galmudug ka jira.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here