Madxweyne Farmaajo oo Wafdiga Midowga Afrika ku qaabilay Madaxtooyada (Muxuu u sheegay?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Taabo Imbeki.

Safarka wafdigan oo uu hadafkiisu ahaa qiimeynta xaaladda amni iyo dhaqaale ee dalka waxaana la qorsheynayo in aqoon baaris lagu sameeyo sidii loo sameyn lahaa iskaashi iyo isdhexgal dhaqaale oo ay yeeshaan dalalka bariga iyo Koonfurta Afrika.

Wafdiga Taabo Imbeki ayaa madaxda dowladda Soomaaliya uga mahadnaqay soo dhoweyntii loo sameeyay wax ayna bogaadiyeen dadaallada dib u heshiisiineed ee laga wado dalka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dhanka siyaasadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wafdigan la wadaagay dadaalladda dowladda ee ku aaddan xoojinta amniga, kobcinta iskaashiga dhaqaale iyo xal u helista caqabadaha siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi, Wasiirro katirsan Xukuumadda, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *