Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka.
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa warbaahinta qaranka ka shaaciyay soo bixitaanka natiijada imtixaanadka sidoo kale waxa uu soo bandhigay tirada ardayda ku guuleysatay imtixaanka.
Wasaaradda ayaa 10-ka arday ee helay dhibcaha ugu badan ee imtixaankii qaranka u ballan qaadday in ay siinayaan waxbarasho dalka dibaddiisa ah oo lacag la’aan ah.
Wasaaradda ayaa sheegtay in iyada oo ka duuleysa in ardayda loo fududeeyo ogaanshaha natiijada ay hirgeliyeen mareeg ama website-ka www.soneb.gov.so oo aradya walba uu kala socon karo natiijadii imtixaankiisa oo dhamaystiran.
Lifaaqan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka wasaaradda:
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com
Sidee loo helaaa natiijada ardayda