Soomaliya oo jawaab deg-deg ah ka bixisay warbixintii doodda dhalisay ee Wargeyska New York Times

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Qadar ay kala hadleen qoraal lagu baahiyay wargeyska New York Times, kaas oo lagu sheegay in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada ee Soomaaliya ka jira.

Wasiir Cawad oo wareysi siiyay idaacadda VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qanacday jawaabtii arrintaa ku aaddaneyd ee uu bixiyey danjiraha Qadar u jooga Soomaaliya Xasan Xamsa.

“Dowladda Qadar weey iska fogeysay qoraalkaas uu baahiyay wargeyska New York Times annaguna dhankayaga waannu ku qanacnay” ayuu yiri wasiir Cawad oo intaa ku daray in Qadar ay caddeysay in aysan waxba ka ogeyn weerarkii ka dhacay magaalada Boosaaso bishii May.

Wargeyska New York Times ayaa Talaadadii shalay baahiyay qormo ay ka sameeyeen cod loo soo dusiyay oo dhex maray danjiraha Qdar ee Soomaaliya Xamsa iyo ganacsade u dhashay Qadar oo lagu magacaabo Khalifa Kayid, kaas oo ganacsadahani uu ku sheegayo in uu wax ka ogaa weerarkaas oo uu ku tilmaamay mid looga gol lahaa in lagu cuuryaamiyo danaha dowladda Imaaaraadku ka leedahay maamul goboleedka Buntilaan.

Warbixinta uu wargeysku daabacay ayaa farta ku godeysay in dalalka khaliijku ay hub iyo dhaqaale ku taageeraan argagixisada si ay Soomaaliya ugu yeeshaan galaangal siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Dhankeeda dowladda Qadar oo arrintan war qoraal ah kasoo saartay ayaa beenisay in ay wax ka ogtahay dhacdadaas isla markaana aanay diyaar u ahayn in ay faragalin ku sameeyso arrimaha gudaha ee dalalka kale cid walba oo falkaasi ku kacdana aanay matalin dowladda Qadar.

“Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan,mana faragelino arrimahooda gudaha,xiriirkeeni wuxuu ku dhisan yahay isxushmeynta labada dhinaca iyo ilaalinta danaha labada dal”. ayaa lagu yiri qoraalka dowladda Qadar.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here