XOG CUSUB: Maxay Qadar ka tiri inay Ka dambeysay qaraxii Boosaaso?

Dooxa (Halqaran.com) – Dowladda Qadar ayaa iska fogeystay warbixin uu qoray wargeyska Newyork times oo mareykanka kasoo baxaya oo tibaaxaysa in Qatar ay ka dambeyso qaraxyadda ka dhaca Soomaaliya,gaar ahaan kii boosaaso.

Qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Qadar ayaa lagu sheegay in siyaasada dalkaas ay marwalba tahay mid abuureysa xasiloonida iyo horumarka.

Sidoo kale Qadar ayaa sheegtay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay tahay tan doonaysa in ay maamusho siyaasadda Soomaaliya,ganacsadaha Khalifa al muhannadi uusan ahayn lataliye dowlada Qadar,islamarkaana uusan wakiil u ahayn dalka Qadar.

“Dowlada Qadar ma farageliso arrimaha gudaha ee wadamada kale,ciddii ku kacaysa fal arrinkaas la xiriirana ma aha mid ka wakiil ah dowlada Qadar,waxaan ku sameyn doonaa baaritaano ninkan waxaana uu qaadi doonaa mas’uuliyada hadaladii uu sheegay, waxaan sii wadi doonaa taageeradda Dowladda Soomaaliya.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay inuu helay cod laga duubay iyagoo Telephone kuwada hadlayo safiirka Qatar ee Somalia iyo nin ganacsade ah oo aad ugu dhow Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani kana hadlayo weerar ka dhacay gudaha dalka Somalia oo dhaca qaaradda Africa.

Ninkan ganacsadaha ah oo lagu magacaabo Khalifa Kayed al-Muhanadi ayaa u sheegay in mintidiintu ay weerar bambaano ay ku weerareen magaalada dekeda leh ee Boosaaso oo ku taallo waqooyiga Soomaaliya, si ay u hormariyaan danaha Qatar iyaga oo meesha ka saaraya danaha dalka uu loolanka kala dhaxeyso ee Imaaraadka Carabta uu ka leeyahay Somalia.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here