Madaxweyne Deni: ”Waa calaamad khatar oo muujinaysa qaraxii xarunta G/Banaadir in aan cidna la aamini karin”

0

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlaayay Magaalada Garowe ayaa soo hadal qaaday qaraxii Arbacadii ka dhacay Xarunta dowladda hoose ee Gobolka Banaadir oo masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir dhimasho & dhaawac ay ku noqdeen.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay goobta la qarxiyay oo ah Xarunta dowladda hoose inay tahay meel si wayn loo adkeeyay ammaankeeda oo aan si sahal ah lagu gali karin.

Waxa uu tilmaamay Madaxweynaha Puntland qaraxaasi inuu muujinaayo calaamad khatar ah oo cusub, maadaama goob amnigeeda sidaasi loo adkeeyay uu ka dhacaayo qarax, sidoo kalena uu abuuray qaraxaasi xaalad aanan la aamini karin cid kasta.

“Xarunta waxaa la ii sheegay in security-gu aad u adkaa, oo aysan ahayn meelaha sida sahlan loo geli karay, marka runtii waa calaamad khatar ah meelihii sidaas oo kaleeto ahaa haddii la gaarayo, oo dadkiiba wax la aamino la garan waayo, iyada lafteedu waa nooc horleh oo dadkii rajo xumo ku abuuraysa.” Ayuu yiri Deni.

Isaga oo hadalka sii wata Madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu sheegay in cashar laga baran doono qaraxii Arbacadii ka dhacay Xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.

“Laakiin anigu waxaan aaaminsanahay haddii Ilaahay idinka dhigo, in wax laga baranaayo markii wax dhacaanba waxbaa laga bartaaye.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Ma kla cadda ilaa iyo hadda qaraxii ka dhacay Xarunta dowladda hoose ee Gobolka Banaadir inuu ahaa mid uu fuliyay ruux naftii hallige ah iyo qarax lagu sii diyaariyay goobta.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here