Ciidamada Mareykanka ee Afrika oo duqeyn ku dilay xubin ka tirsan Daacish

0

Golis (Halqaran.com) – Howlgalka ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in weerar dhanka cirka ah ay ku dileen xubin ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan maamul goboleedka Puntland.

War qoraal ah oo ka soo baxay hoggaanka ciidamada ayaa lagu sheegay in Sabtidii duqeymo ay ku qaadeen koox dagaalayhanno Daacish ah oo ku sugan buuraleyda Golis ay ku dileen sargaalkan aanan magaciisa la sheegin.

AFRICOM waxa kale oo ay sheegtay in howlgalkaas ay qeyb ka ahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in sargaalka lagu dilay weerarka uu kaalin mug leh ka qaadan jiray howlaha kooxda Daacish

Taliye xigeenka howlgallada AFRICOM William West ayaa sheegay in duqeymaha ceynka ah ay si weyn uga qeyb qaateen curyaaminta kooxaha argagixisada ah sidoo kalena ay wiiqeen awooddooda.

Sida laga soo xigtay AFRICOM buuralayda Golis ayaa noqotay deegaan ku caan ah dhaq-dhaqaaqyada kooxaha argagixisada ah, duqeymaha halkaa laga fuliyana looga gol leeyahay sidii laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya loogu gacan galin lahaa masuuliyadda ammaanka ee deegaannadaas.

AFRICOM ayaa ku nuux nuuxsatay in qiimeyn ay sameeyeen weerarka kaddib ay ku ogaadeen in aanu jirin dad rayid ah oo ay waxyeello ka soo gaartay weerarkaas.

Xafiiska Halqaran.com, Garowe
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here