Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo tababaray Ugandha oo dalka dib ugu soo laabtay & Al Shabaab oo weerar…

0

Muqdisho (Halqaran.com) – 95 sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ah oo tababar kusoo qaatay dalka Ugandha ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Saraakiishan waxaa dalka ku soo dhaweeyay taliye ku xigeenka ciidamada Cabdi Xasan Maxamed iyo abaanduulaha ciidamada qalabka sida Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo masuuliyiin ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Masuuliyiinta ciidamada dalka ayaa dowladda Ugandha uga mahad celiyay dadaalka lixaadka leh ee ay ku bixinayso dib u dhiska ciidamada xoogga dalka iyo ka mira dhalinta howlaha xasilinta waddanka.

Saraakiisha cusub ee soo idleysatay tababarka ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan meel marinta istiraatiijiyadda dowladda Soomaaliya ay kula dagaallamayso kooxda Al-Shabaab oo qeybo dalka ka mid ah ku harsan.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa dhawaan ku guuleystay in ay Al-Shabaab ka fara-maroojiyaan deegaanno istiraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose sida deegaannada Sabiib iyo Caanoole.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in saraakiil ciidan oo fara badan ay ku biiriso ciidamada ku sugan deegaannada ay dhawaan kala wareegeen Al-Shabaab.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here