Waa imisa tirada Odayaashii Xildhibaanada soo doortay ee Al-Shabaab iska diiwaangaliyay?

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay shaaciyeen tirada Odayaasha Dhaqanka ee soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee iska diiwaangaliyay deeganada ay maamulaan tan & markii amarka ay soo saareen Shabaab.

Warbixin lagu shaaciyay Bogga Internetka ee Shabaab wararka ay ku faafiyaan ayaa lagu soo bandhigay tirada Odayaasha illaa hadda Shabaab iska diiwaangaliyay.

Shabaab waxa ay guud ahaan tirada Odayaasha deeganadooda iska diiwaangaliyay ku sheegeen 159 Oday.

Maamulka Jubbaland waxa ay sheegeen inay iska soo diiwaangaliyeen 33 Oday.

Maamulka Hirshabelle waxa ay sheegeen inay iska soo diiwaangliyeen 53 Oday.

Koonfur galbeed waxa ay sheegeen inay iska soo diiwaangaliyeen 40 Oday.

Halka Maamulka Galmudug ay ku sheegeen 33 Oday inay iska soo diiwaangeliyeen sida lagu soo bandhigay Warbixinta Shabaab.

Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in xiriiro ay la soo sameeyeen Odayaal badan oo balan qaaday inay tagi doonaan deeganada Shabaab ay Maamulaan si ay isku soo diiwaangaliyaan, waxaana Odayaashaasi la siiyay ammaan buuxa.

Odayaasha deeganada Puntland ayeey sheegeen Al Shabaab inay la soo xiriireen oo ay cafiyeen dhankooda.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here