Midowga Afrika oo jawaab ka bixiyay Weerarkii Al-Shabaab ay ku dileen 6 ka tirsan ciidanka Burundi

Muqdisho (Halqaran.com) – Midowga Afrika ayaa cambaareeyay weerar gaadmo ah oo shalay kooxda Al-Shabaab ay ku dileen lix ka mid ah ciidamada Burundi ee ka tirsan kuwa nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha ururka Muusa Faki, ayaa lagu cambaareeyay weerarka lagu beegsaday ciidamada oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Mudane Faki ayaa tacsi u diray qoysaska iyo saaxiibbadii ay ka baxeen askartii weerarkaas ku geeriyooday

”Waxaannu muragada la qeybsanaynaa qoysaska askartii geeriyootay sidoo kale, waxaannu tacsi u direynaa shacabka iyo xukuumadda Burundi oo dhiiggooda u huray caawinta dalalka Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka.

Muusa Faki ayaa hoosta ka xarriiqay in Midowga Afrika ay ka go’antahay in xukuumadda Soomaaliya ay ku garabsiiyaan xasilinta iyo nabad gelyada dalka.

Waxay aheyd Isniintii shalay markii kolonyo ciidamo Burundi ah oo marayay meel ku dhow degmada Balcad oo 30 km waqooyi bari kaga beegan Muqdisho weerar gaadmo ah lagu beegsaday, sida uu idaacadda VOA u xaqiijiyay afhayeenka ciidamada Burundi Col Floribert Biyereke.

Weerarkaa ayaa lagu dilay lix ka tirsan ciidamada Burundi ee Shabeelaha Dhexe ka howlgala.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in weerarka ay ku dishay ugu yaraan 10 askari.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here