Muxuu Farmaajo dib isaga celiyay Jinsiyaddiisii labaad ee dalka Mareykanka?!

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khamiistii maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka tanaasulay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka heystay dalka Mareykanka.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta madaxtooyada ayaa lagu sheegay in tallaabadani uu qaatay madaxweynaha ay ahayd mid muddo ay ku howlanaayeen kana tala bixinayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra’iisul Wasaare sanadkii 2010.

Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale, balse markii la doortay ka dib, Madaxweynuhu waxa uu si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah, taas oo maanta soo idlaatay, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada, haddaba

Haddaba War-saxaafadeedka oo dhammeystiran lifaaqa hoose ka akhriso:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here