Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho & Faah-faahin ka soo baxaysa

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax xooggan ayaa goor dhow caawa ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho, kaasoo laga maqlay jugtiisa oo aad u xooganeyd guud ahaan degmooyinka magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxani uu ka dhacay afaafka hore ee xerada Afisyooni oo ku dhow Suuqa Beerta ee degmada Waaberi.

Goobjoogayaal ayaa weriyaha Halqaran.com u xaqiijiyay, in qaraxaasi lala eegtay gaari ah lahaayeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda lama sheegi karo, mana kala cadda in qaraxaasi uu ahaa mid waddada dhinaceeda lagu sii diyaariyay iyo in uu ahaa qarax lagu xiray gaariga askarta.

Lama oga Khasaaraha uu geystay qaraxa caawa ka dhacay afaafka hore ee xerada Afisyooni oo ku dhow suuqa beerta ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa caawa ayaa ku soo aadaya, iyadoo ammaanka magaalada Muqdisho la sheegay in aad loo adkeeyay, kadib markii uu shalay uu geeriyooday guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarkii naftiis haligihii uu ka geystay xarunta gobolka Banaadir.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here