Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo maanta lagu aasay Khabuuraha School Polizio +(DAAWO SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Allaha u naxariistee waxaa Axaddii maanta magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyay gudoomiyihii Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow).

Meydka marxuum Cabdiraxmaan Yariisow oo saakay laga soo dejiyay Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa Salaadda Janaasada lagula tukaday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Gudoomiye-yaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada iyo dadweyne fara-badan ayaa ka soo qeybgalay Salaadda Janaasada.

Intii ay socotay keenista meydka marxuumka, markii laga soo dejinaayay Garoonka Aadan Cadde iyo intii lagu tukanaayay Salaadda Janaasada ayaa waxaa si toos ah looga baahinaayay telefishinada.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa waxay qaarkood dal iyo dibadba ay si toos ah telefishinada uga daawanayeen qaabkii ay arrimahaasi u socdeen.

Ugu dambeyn meydka marxuum Cabdiraxmaan Yariisow ayaa waxaa lagu aasay Khabuuraha School Polizio, oo hadda loo bixiyay Khabuuraha General Kaahiye.

Allaha u naxariistee Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayaa Khamiistii u geeriyooday dhaawac 24-kii bishii tagtay ee July ka soo gaaray qaraxii ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ku dhinteen dad badan.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here