UPDATE: Laba nin oo Al-Shabaab ah oo maanta isku dhiibay maamulka Koonfur Galbeed

0

Baydhabo (Halqaran.com) – Laba nin oo ka tirsan maleeshiyaadka Ururka Al Shabaab iyo hubkii ay wateen ayaa isku dhiibay Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan Degmada Diinsoor.

Labadan oo watay qoryaha Ak47 iyo Boosashkooda ayaa waxaa gacanta ku haya Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Labadan nin ayaa waxa ay ka soo tageen deegaanka Buulo Fulaay oo ka tirsan Gobolka Baay, waxayna xiriir la sameeyeen Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed si ay isku soo dhiibaan.

Labada nin ee isa soo dhiibtay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xuseen Marshale Maxamed oo 19-sano jiro ah muddo laba sano Shabaab ka tirsanaay sida uu sheegay.

Maxamed Xasan Cismaan oo 25 jir ah oo sida uu sheegay muddo hal sano ka mid ahaay Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay u gudbin doonaan Wasaaradda amniga Maamulkaasi si loo geeyo raggaan goobaha dhaqancelinta ee xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

Xafiiska Halqaran.com, Mudisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here