C/raxmaan C/shakuur: ”Al-Shabaab heer waxay gaareen in ay Canshuur ka qaadaan Dekadda Muqdisho”,!

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur / Sawir hore
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame / Sawir hore / Keydka.

Muqdisho (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho, ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ay ku dhex milmeen hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Siyaasi Cabdishakuur ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay sida ay rabaan Magaaladda Muqdisho ka sameeyaan, islamarkaan ay gaareen heer ay Canshuur ka qaadaan Dekedda Muqdisho iyo alaabaha ka soo daga.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in aysan la imaan weysay siyaasad cad oo ay kula dagaalanto Maleeshiyaadka Al-Shabaab, balse taasi baddelkeeda ay weerar ku tahay Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyadda.

”Al-Shabaab waxay ku milmeen hay’addaha Amniga dowladda iyo dakhliga magaalada, waxay canshuur ahaan u helaan 20 illaa 30 milyan, dadka ayay si toos ah ugu yeeraan deegaanka Mubaarak, illaa iyo hadda waxaa is weydiin ah dowladda mala dagaalantay” ayuu yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo warbaahinta maanta la hadlay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here