Maxaa ka soo baxay Kulankii Madaxda Jubbaland iyo Taliyaha guud ee AMISOM ku dhexmaray Kismaayo?

Kismaayo (Halqaran.com) – Magaalada Kismaayo oo maanta gaaray wafdi uu hoggaaminaayay Taliyaha Guud ee Ciidamada Amisom ayaa wuxuu kulan la qaatay madaxda Maamulka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo Saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay shir ay yeesheen Madaxweynaha Jubbaland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha fulinta iyo Taliyaha Ciidamada Amisom Tigabu Yilma oo maanta soo gaadhay Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in kulanka labada dhinac lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa ammaanka isla markana si midaysan loogu qaadi lahaa howlgalo Cusub oo deegaanada Jubbaland laga samayn doono waxaa uu Intaas ku daray Madaxweyne ku xigeenku in la isku raacay in si wadajir ah looga hortago wararka been abuurka ah ee lagu kicinayo Bulshada kuwaas oo la xiriira Arimaha Doorashooyinka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in Amisom ay sheegtay inayna wax faragalin ah ku yeelanaynin arrimaha Doorashooyinka Jubbaland loona baahan yahay in dadka wararkaas faafinaya si wadajir ah looga hortago iyadoo mara ayna shiki galin doonin wada shaqaynta Jubbaland iyo Amisom.

Ugu dambeyn, waxaa kale oo la isku raacay in ay si wadajir ah Amniga uga wada shaqeeyaan inta lagu guda jiro doorashooyinka Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska Amisom.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *