Suxufiyad ku xirneyd xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho oo maanta la sii daayay

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Laamaha amniga ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxay dib xoriyadeeda u siiyeen Filsan Ina Duceysan, oo tan iyo Arbacadii ku xirneyd xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho.

Filsan ina Duceysan oo ka mid ah Saxafiyadiinta ka hawlgala Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Arbacadii xabsiga u taxaabay ciidan uu horkacayay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John).

Filsan Ina Duceysan ayaa maanta barteeda Facebook ku soo qortay in ay xoriyadeeda dib u heshay, iyadoo Alle SWT kaga mahadcelisay in xabsiga laga soo sii daayo.

Gabadhan oo ka tirsan Mogadishu Cable TV ayaa waxaan jirin cid faah faahin ka bixisay waxa keenay xarigeeda, qudheedu xitaa kama aanay hadlin sababtii lagu xiray.

Waxaase jira warar sheegaya in loo xiray iyadoo ay ehel yihiin Basiira Cabdi Maxamed, oo la tuhunsan yahay in ay ahayd haweeneydii la sheegay inay isu qarxisay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, 24-kii bishii July.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa eedeymo xoogan kala kulmay dadka wax ku qora barraha bulshada, oo ku dhaliilay in si sharci-darro ah uu xabsiga ugu hayo Saxafiyad aan waxba galabsan.

Saadaq John ayaa sidoo kale lagu dhaliilay in uu qayb ka yahay masuuliyiinta aan doonayn in la iftiimiyo ciddii dhabta ahayd ee ka dambeysay qaraxa lagu dilay Madaxdii Maamulka Gobolka Banaadir qaarkood.

Marka laga soo taggo eedeymaha loo jeediyay Saadaq John ayaa waxaan jirin natiijo horudhac ah, oo hay’adaha ammaanka ay ka soo saareen qaraxii gilgilay Xarunta Dowladda Hoose Xamar, kaasoo galaaftay nolosha in ka badan toban ruux.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here