IGAD oo war ka soo saartay kulamadii Kismaayo ay kula yeelatay dhinacyada Jubbaland, (Ogow xog..)!

Kismaayo (Halqaran.com) – Ergayga gaarka ah ee Urur gobaleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya iyo Badda Cas oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa qabtay shir jaraa’id oo uga hadlayo xaaladdaha doorashada maamulkaas.

Ergayga ayaa sheegay in uu la kulmay dhammaan dhinacyada ay khuseyso doorashada Jubbaland, wuxuuna sheegay in ay warbixin dhammeystiran bixin doonaan marka ay wakiilada caalamiga ah la wadaagan warbixinada ay aruuriyeen.

Ururka IGAD, ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in doorashooyinka baarlamaanka iyo tan Madaxweynanimada qabsoomidooda ay waajib ku tahay dhinacyada oo dhan.

Waxaa uu sheegay in habka ay u socoto doorashada ay la wadaagi doonaan beesha Caalamka oo il gaara ku heysa doorashada qabsoomeysa 24-ka bishan August.

Wakiilka IGAD, Dr. Maxamed Guyow ayaa intaas ku daray in uu adkaynayo baahida loo qabo qabsoomida doorashooyin madax banaan oo qaab hufan ku dhaca oo loo siman yahay taas oo waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dowladda Federaalka iyo Dastuurka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wakiilka ayaa sheegay si arintan loo xaqiijiyo in Shacabka iyo hoggaanka Jubbaland ay ugu baaqayaan in nabada iyo xasiloonida laga wada shaqeeyo, wuxuu intaasi raaciyay in wixii cabashooyin ah ee soo baxa wada hadal lagu dhammeeyo iyadoo mar walbana loo turayo shacabka.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here