Maxaa ka ogtahay mooshinka ku saabsan muranka badda ee loo gudbiyay baarlamaanka Kenya?

Nairobi (Halqaran.com) – Baarlamanka dalka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin ku wajahan xukuumadda, kaasi oo ku saabsan habka ay tahay inay u xalliso muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si baarlamanku u ansixiyo.

Mooshinkan oo uu diyaariyey hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamanka Kenya, Aadan Ducaale ayaa ka codsanaya dowladda inay xaLliso muranka badda islamarkaana ay ilaaliso madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafAqsan qodobada 5, 241(3), 255 ee dastuurka Kenya, sida lagu yirI qaraarka.

Mooshinka ayaa soo jeediyey dhowr tallaabo oo ay tahay in dowladda ay qaado kuna wajahdo murankan, waxaana ugu weyn:

  • In marka ugu horreysa, islamarkaana ah sida la doorbidayo, ay dowladda Kenya kala hadasho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in muranka lagu xaliyo hab diblomaasiyadeed ayada oo loo marayo marinnada la heli karo ee Afrika, sida Midowga Afrika, IGAD iyo ururka EAC.
  • In dowladda Kenya ay u ku wargeliso QM, in ay ka soo horjeedo in maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ ay sharciyad u leeedahay inay gasho kiiska muran baDdeedka ee Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo la tixraacayo diidmadii ay Kenya ka sameysay sharciyadda ICJ, sanaddii 1965.
  • Haddii arrimahaas ay guuldarreystaan, in kadib Kenya ay eegto habab kale ee sharciga iyo dastuuriga ah, ee ay ku difaaceyso dhulka jamhuuriyadda, taasi oo ay ku jirto in ciidamada Kenya ee KDF la geeyo xudDuud badeedka lagu muransan yahay, si ay u gutaan waajibka ka saaran madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafaqsan qodobka 241(3) ee dastuurka.

Mooshinka Kenya ayaa imanaya ayada oo maxkamadda ICJ ay mar kale dhageysan doonto dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, bisha September ee 2019.

Ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya weli wax jawaab ah kama aysan bixinin arrintan.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here