Taliyaha cusub ee AFRICOM: ”Waynu kordhinaynaa weerarrada aanu la beegsanayno Al-Shabaab”

Taliyaha cusub ee howlgallada ciidama Mareykanka ee Afrika Stephen Townsend ayaa wacad ku maray in ay kordhinayaan weerarrada ay ku qaadaan kooxda Shabaab ee Soomaaliya ka dagaallanta.

Taliye Towsend ayaa booqasho ku yimid Muqdisho bishii la soo dhaafay kaddib markii xilkaasi loo magacaabay.

Kulan uu la yeeshay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayuu taliyuhu ku ballan qaaday in ay sare u qaadi doonaan cadaadiska ay ku hayaan kooxda Shabaab.

“Waxaannu garab taagannahay Soomaaliya iyo saaxibadaya caalamiga ah eek u howlan xasilinta Soomaaliya waxaan sii wadeynaa cadaadiska aan saareyno kooxaha xagjirka ah tallaabadaas oo abuuri karta xasillooni siyaasadeed iyo mid dhaqaale” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in taliyaha ay u suura galisay in uu qiimeyn ku sameeyo xaaladda Soomaaliya iyo xoojinta howlgallada AFRICOM ee gobolka.

Hoggaanka AFRICOM ayaa xukuumadda Soomaaliya iyo ciidamadeeda ugu baaqay in ay xoojiyaan weerarka ay kala horjeedaan al-Shabaab.

Cutubyada Danab ee uu Mareykanku tababaray ayuu taliyuhu ku amaanay shaqada culus ee ay ka hayaan howlaha ammaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here