XOG XASAASI: Khilaafka Puntland iyo Dowladda Somaliya oo meel xun gaaray iyo Deni oo go’aan culus qaadanaya

1

Garoowe (Halqaran.com) – Waxaa sii kordhaya khilaafka xagga siyaasadda kuwajahan ee u dhaxeeya dowlad goboleedka Puntland iyo Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana Xukuumadda Puntland ay billowday dagaal culus oo ay hadda ku wajahayso kooxda Nabad iyo Nolol, oo ay hadda hareyeen fashil weyn oo xagga ammaanka ah.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah markale beesha Caalamka ugu sheegtay in doorkeeda ku wajahan arrimaha Siyaasadda iyo deeqaha caalamiga ah ay doonayaan in si toos ah loo siiyo.

Madaxweynaha Puntland Mr. Deni oo shalay ka hadlayay magaalada Garoowe ayaa si adag u dhaliilay ficilada Madaxda ugu sareysa Xukuumadda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay u dhaqmayaan sidii NGO-yada, oo uu sheegay in aysan marnaba aqbaleyn Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu daaha ka rogay in Soomaalidu ay kasoo kabanayso dhib badan oo gaaray, sidaas awgeedna loo baahan yahay in qorshaha horumarinta iyo arrimaha siyaasaddu ay noqdaan kuwa is garab socda oo mar kasta laga dhawro in ay koox gaar ah isku koobto.

Mr. Deni ayaa ayaa mudooyinkii u dambeeyey sii kordhayey weerarrada dhanka afka ah ee u geysanayo madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana muuqata in wada shaqeynta Madaxtooyada Garoowe iyo Xaafiiska Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu dhammaaday.

Mohamed Hassan Hussein, Paris – France 
Xafiiska Wararka Halqaran.com

Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. ASC.
    In uu khilaaf soo kala dhexgalo maamulka itaalka daran ee xamar laga sheego iyo puntlaan waxaa ka masuula labada nin ee xamar jooga ee ay waardiyeeyaan ciidamada shisheeye.Nimankaasu ayagoo an xamar faro ku hayn bay u tilaabeen fara galinta gobalada wadanka.In ay xumaaato doon yahiin taasaa ka markhaati ah.Haddii ay Ina farmaajo iyo Xassan Cali khayre wanaag doon yahiin soo ma ahayn in ay marka hore soo xoreeyaan xamar.Kabacdina ay la xaajoodaan madaxda gobalada oo meelihii la tuhunsanaa in uu khilaaf ku jiro laga wada xaajoodo?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here