Wararka Maanta XULKA IYO MUUQAALLO

Dhageyso: Maxaa ka jira in boqolaal Soomaali Xujey ah lagu dayacay Makka! & kuwo aanba acmaasha Xajka gudan?!

Makkah (Halqaran.com) – Boqolaal Soomaali Xujey ah oo ku sugan magaalada Barakeysan ee Makka ayaa sheegay in aysan weli gudanin waajibaadka xajka iyaga oo eedo u jeediyey shirkadaha loo idmay inay xujayda u adeegaan.

Xujeyda Soomaalida oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in shirkadihii keenay ay meel cidlo ah isaga tuureen, islamarkaana ay garan waayeen sida loo guto waajibaadka xajka.

Tirada Soomaalida aan xajin ayaa lagu sheegay 400 oo qof, kuwaasi oo sheegay in xitaa aysan helin meel deegaan ah oo ay seexdaan.

Dadka aan xajka gudan ayaa cabasho ka muujiyey ilaa afar ka mid ah shirkadaha Soomaalida ee sanadkan xajka usoo qaaday Soomaalida, oo ka baxay ballantii ay dadkan kasoo qaadeen.

Halkan ka Dhageyso Codka Xujeyda Soomaaliyeed oo Cabanaya: 

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta Cusmaan Aadan Dhuubow oo isna ku jooga Xajka ayaa ka jawaabay cabashada xujayda Soomaalida, isagoona sheegay in uusan ka warhayn dad aan xajin.

Wuxuu sheegay, in ay jiri karaan qaladaad dhacay oo dhanka acmaasha Xajka ah, laakiinse aanu rumeysaneen in ay jiraan dad aan gudan waajibaadka xajka.

Halkan ka dhageyso Codka Jawaabta Wasiir ku-xigeenka Diinta:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Post Comment