Wararka Maanta XULKA IYO MUUQAALLO

Dhageyso Shir Jaraa’id: Madaxtooyada Jubbaland oo war ka soo saartay arrimaha Doorashada

Kismaayo (Halqaran.com) – Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland oo galabta shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada Kismaayo ayaa waxa uu ka hadlay tartankii Adkaa ee lasoo galay.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka mahadceliyay howshii culuseyd ee soo qabteen Odayaasha dhaqanka ee Xildhibaanada soo xulay iyo Guddigii shaqada soo hayay.

Wuxuu uu xusay, in howshaan ay aheyd mid daddaal badan ay odayaasha ku bixiyeen in hanaankaasi uu soo gaaro, doorashadana ka rajeeyay inay ku dhacdo sida ugu wanaagsan.

Madaxweyne ku- xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa shirkiisa jaraa’id ku qeexay, in Jubbaland ay sameysay horumar, ayna si dimoqraadiyad ah muujisey inay doorasho u qabato.

Hoos ka dhageyso Shirka Codka Madaxweyne ku-xigeenka:

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

Post Comment