Wararka Maanta XULKA IYO MUUQAALLO

DHAGEYSO: VOA-da oo shaaciyay qaabka ay Al-Shabaab u dhex-gasho DF Somaliya & Sir badan oo la ogaaday+Warbixin

Muqdisho (Halqaran.com) – Barnaamijka Galka Baarista waxa uu ku saabsan yahay inta ay la egtahay ku dhex jiritaanka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee dowladda Soomaaliya.

kadib markii ay soo baxday in gabdho la shaqeeya Ururka Al-Shabaab ay fuliyeen qaraxyii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, kaasoo ay ku dhinteen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyhii gobolka Banaadir, ahaana duqii Muqdisho allah u naxariistee, Eng. Yariisow.

Barnaamijka Galka Baarista waxaa soo diyaariyay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, iyadoona toddobaadkan lagu soo qaatay inta ay la egtahay Xubnaha Gacan saarka la leh Kooxda Alshabaab ee ku dhex jira Dawladda Soomaaliya.

Waxyaabaha yaabka leh ee Barnaamijka uu shaaca ka qaaday ayaa ah in Al-Shabaab ay inta badan ku guul darreysato inay xubno ay soo dirto ay soo dhex geliso dowladda, balse dadka la shaqeeya ay yihiin kuwa dowladda horey ugu jiray.

Habka ugu fudud ee Al-Shabaab ay adeegsato ayaa lagu sheegay inay tahay inay lacag siiyaan xubno dowladda ka tirsan oo dhaqaale ahaan liita, ama ay ka beegsadaan halka uu ka jilcan yahay, sida in loo hanjabo caruurtiisa ama qof uu jecel yahay.

Waxyaabaha kale ee fashilka ku ah dowladda Soomaaliya, islamarkaana sahla in Al-Shabaab ay ka dhex shaqeysato, ayaa lagu sheegay inay tahay is-beddelka tirada badan ee lagu sameeyo saraakiisha Amniga dowladda.

Hoos ka dhageyso Barnaamijka Galka Baarista oo xiiso gaar ah leh:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com  

Post Comment