Wararka Maanta

XOG: Musharraxiinta Jubbaland oo qaadacay liiska Xildhibaannada Cusub + (Ogow Sabata)!

Kismaayo (Halqaran.com) – Guddiga Doorashada Maamulka Jubbaland oo xalay ay soo bandhigeen Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Maamulkaasi ayaa Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland ay ka soo horjeesteen liiskaasi.

Musharaxiinta waxa ay sheegeen in liiska Xildhibaanada ee la soo bandhigay ay yihiin kuwa sharcidaro ah, islamarkaana aysan aqoonsaneyn.

Waxa ay sheegeen sababta ay u diidayaan liiska Xildhibaanada inay tahay Odayaashii saxda ahaay ee Salaadiinta Jubbaland inaysan soo xulin oo Odayaashaasi loo diiday, lagana saaray liiska Salaadiinta Odayaasha.

Musharax Maxamed Ibraahin Shakuul ayaa sheegay Guddiga Doorashooyinka qudhooda inaysan aaminsaneyn oo hal dhinac ay u raran yihiin, shakina uu ka jiro madax banaanida Guddigaasi.

Ilaa iyo hadda lama oga sida liiskan cusub ee Xildhibaanada Jubbaland ay ku socon doonaan, xilli Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya horay u sheegtay inaysan aqbali doonin doorasho hareer marsan Sharciga doorashooyinka.

Ugu damben, guddiga doorashada Jubbaland ayaa xalay soo bandhigay 73 Xildhibaan oo Baarlamaanka cusub ee Jubbaland ka mid noqonaya, iyadoo laba Xildhibaan shaacinta magacyadooda dib ugu dhacday arrimo farsamo awgeed.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Post Comment