Wararka Maanta

UPDATE: Diyaar-garowgii ugu dambeeyay Shirka Dhuusamareeb oo socda iyo Beelaha oo laga codsaday inay soo gudbiyaan Ergooyinka Shirka

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Xubnaha guddiga qaban qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ka mira dhalinta gogosha nabadeed ee laga fidiyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa maanta waxaa booqasho ugu yimid wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir

Kulanka oo ka dhacay xarunta ay guddigu ku shaqeeyaan ayaa looga haday soo dhaweynta ergada, amniga magaalada iyo furitaanka shir-weymaha.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow oo kulanka ka war bixiyay ayaa sheegay in Sheekh Maxamed Shaakir uu u caddeeyay guddiga in guud ahaan bulshada Dhuusamareeb ay u diyaar garowday soo dhaweynta, la diyaariyay deegaanka ergada, amniga magaaladana aad loo adkeeyay.

Dr. Baadiyow ayaa shaaciyay in beelahada badankood ay soo gudbiyeen ergada uga qayb geleysa shirka, waxa uuna beelaha kale ka codsaday in ay soo gudbiyaan liiska ergada, maadaama shirku uu furmayo August 17, 2019.

Ugu dambeyn, guddoomiye Baadiyow ayaa Sheekh Shaakir iyo dhammaan reer Dhuusamareeb uga mahad celiyay sida ballaaran ee ay isaga xil saareen qorshaha diyaar garowga shirka, waxa uuna reer Galmudug guud ahaan ugu hambalyeeyay heerka wanaagsan ee lasoo gaarsiiyay dadaallada loogu jiro dib-u-heshiisiinta bulshada.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Post Comment