Daawo Sawirro: Muxuu hoggaamiyaha Jubbaland kala hadlay Xildhibaanada labada aqal ee uu kula kulmay Kismayo

0

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugnaa Kismaayo.

Xildhibaanada ayaa Magaalada Kismaayo siyaabooyin kala duwan ugula kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad Jubbaland iyo Guddiga Doorashooda Jubbaland, kulanka ay la qaateen Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu daba socdaa kulamadoodii hore.

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ayaa Axmed Madoobe la wadaagay aragtidooda la xiriirta, sidii si habsami leh ugu qabsoomi laheyd doorashooyinka.

Xildhibaanadan ayaa waxay Axmed Madoobe u sheegeen in la doonayo in Doorashooyinka Jubbaland ay u dhacaan si furan, xor iyo xalaalba leh, iyadoo aanay fara-gelin jirin.

Axmed Madoobe ayaa Xildhibaanada ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya u sheegay in maamulkiisu uu ka shaqaynayo, sidii ay Doorashooyinka Jubbaland ku noqon lahaayen kuwo laga wada qaybgalo.

Madaxweynaha Jubbaland oo rumeysan in culeys xoogan uu kaga imaanayo dhinaca Dowladda Federaalka Somaliya ayaa waxa uu yoolkiisu yahay sidii uu markale xafiiska ugu soo laaban lahaa, isagoo geed gaaban iyo mid dheerba mira dhalkeeda u fuuli doono.

Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa waxaa si weyn loogu eedeeyay inaanay dhexdhexaad ka ahayn doorashada, isla-markaana ay u janjeeraan dhinaca Madaxweynaha uu xilka ka sii dhamaanayo.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmai.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here