DAAWO VIDEO: Xildhibaan Jeesow oo Weerar culus ku Qaaday Xildhibaanadii Kismaayo Tagay ee Taageeray Axmed Madoobe, dhulkana ku jiiday!

1

Kismaayo (Halqaran.com) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo mid ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si kulul uga hadlay Xildhibaano uu kamid yahay Axmed Macalin Fiqi oo kismaayo tagay, kuwaasi oo  taageeray madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

“Waan ka Raali gelinayaa dhammaan Ummada Soomaaliyeed   Xildhibaannada sida Indho la’aanta ah u taageeray Axmed Madoobe,       oo dhibaato badan ku haya dadkiisa, Xildhibaannada ka hadlay Kismaayo  uma muuqdo khaladka uu sameeyay Axmed Madoobe”. Ayuu yiri Daahir Jeesow.

Mar uu hadalkiisa sii watay ayuu  Fariin gaar ah u diray Xildhibaan Fiqi iyo Xildhibaanada kale oo Mucaaridka ku ah Dawladda dhexe.

“Hadii aad kala garan waydo Nacaybka aad u Qabto Madaxwayne Farmaajo iyo Ra‘iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Shacabka Soomaaliyeed ee aad matasho, hadaad kala garan waydo dhibkeeda ayay leedahay.” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. ASc.
    Nin soomaali ahaa baa 1968 doorashadii soomaaliy lagu yiri qofki Hebal ahaa ee gurigaaga ku noolaa baa aad kuu caayey.Suuye Dooro an Rifi Doono Wiiq-Wiiqdeedu waxba iga dhimi mayso.
    Hadda hadalada laga soo sheegay Jeesoow kama duwana Dooradii waaagaas la sheegay.Jeesoow af iyo adin toona lama sina Axmad Madoobe ee ma cay iyo habaar buu itaal mooday?Axmad Madoobana isuma quuro in uu u jawaabo wax noocaas oo kale ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here