Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaanka Daynuunaay & Xaaladda oo kacsan iyo Wararkii ugu dambeeyay

Baydhabo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya deegaanka Daynuunaay ee dulaadka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus oo abaabulan Sabtidii saaka kula wareegeen deegaankaasi.

Dagaalkan oo ahaa mid aad u culus ayaa maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab waxa ay weerareen Salaadii Subax, waxayna la wareegeen Xerada Ciidamada Koonfur Galbeed.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugnaay deegaanka Daynuunaay ayaa isaga cararay, kaddib markii qaar ka mid ah Ciidamada lagu dilay dagaalka kuwa kalena naftooda ay la baxsadeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay laba mar inay weerar ku qaadeen Daynuunay si maleeshiyaadka Al-Shabaab looga saaro deegaankaasi, balse dagaal waqtiyo kala duwan qaatay Al-Shabaab laga saari waayay deegaanka.

Wararka ay helayso Halqaran.com, ayaa intaasi ku daraya, in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay gudaha u galeen Xeradii Ciidamada dowladda ee deegaanka Daynuunay, iyagoona halkaasi ka qaatay wixii saanad Ciidan oo halkaas yaallay.

Waxaa aad u kacsan iminka xaaladda deegaanka Daynuunay ee duleedka magaalada Baydhabo, waxaa socda qorshe Ciidamada dowladda ay ku doonayaan inay markale dib ugu qabsadaan deegaankaasi Al-Shabaab.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com

Xafiiska Halqaran.com, Baydhabo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here