Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Degmada Dayniile iyo mas’uul ka badbaaday qaraxaasi

Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay Qaraxyo khasaare gaystay.

Qaraxyada ayaa waxa ay ka dhaceen waddada Jaayga ee aada Isbitaalka Guutaale oo ku yaallo Degmada Dayniile.

Qaraxaasi koowaad oo aan la garaneyn cidda lala eegtay ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo mareysay nawaaxiga goobta Qaraxa uu ka dhacay sida ilo wareedyo ay inoo xaqiijiyeen.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxa labaad lala eegtay Xoghayaha Degmada Dayniile Mahad Sharaawe gaari uu watay, kaasi oo ku baxay qaraxii hore ee dhacay.

Gaariga uu watay Xoghayaha Degmada Dayniile ayaa waxaa soo gaaray bur bur, waxaana halkaasi ku dhaawacmay wiil yar oo wadada dhinaceeda maraayay.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobtaasi ayaa qaaday dhaawacyada dadka shacabka ah oo la geeyay Isbitaalka Dayniile halkaasi oo lagu daaweynaayo.

Si kastaba, waddada jaayga Degmada Dayniile ayaa dhawr mar hore waxaa dhacay Qaraxyo dhibaateeyay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. Dayniile waa xaafadda Cali-Dheere iyo qabiilkiisa.Qarax iyo Hawiye keebaa harin?
    Horaa soomaali ugu maah maahday Shimbiri mar bay dab qaaday markiina waxay gubtay buulkii hooyadeed.Hadda reerahaas Hawiye ayagoo iska dagan oo barwaaqaysan oo an hub iyo qarax shaqo ku lahayn baa shaydaan u soo diray jabhaddii USC.Hubkii uu Hawiye qaatay 1991-kii waakaas wali isku xasuuqaya ee see loo galaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here