Ciidamada XDS oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan gobolka Gedo & Wararkii ugu…

1

Baardheere (Halqaran.com) – Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed  qeybta 43-aad ayaa waxaa ay howlgallo ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaaminaysa ay sheegeen in Ciidamadu ay deegaano dhowr ah kala wareegeen Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa si gaar ah waxaa ay uga dhaceen deegaannada Cabdi afeey iyo Baar-macallin oo dhinaca  galbeed  uga beegan 45km degmada Baardheere, waxaana la sheegay inay deegaannadaas horay ugu sugnaayeen ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 49aad ee guutada 10aad Dhame Cali Maxamed Xasan ayaa sheegay in Goobaha ay howlgalka ka fuliyeen ay Al-Shabaab muddo gacanta ku hayeen, hayeeshee ay haatan Ciidamada la wareegeen,isla markaana howlgallada ay ahaayeen kuwa qorsheysan.

Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gobolka Gedo ayuu ugu baaqay inay Ciidamada kala shaqeeyaan dhanka Amniga, sidoo kalena Ciidamada Dowladda ay diyaar u yihiin inay Shabaab ka saaran deegaannada Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Howlgallada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada dowladda ay howlgallo kala duwan ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. ASC.
    Aniga sax ilamaha in ciidamo beeleed loogu yeero Ciidamada Xooga Dalka soomaaliya.Qofkii taas sax u yaqaana wuu ila qaldan yahay.Sababtoo ah ciidamada hadda ka hawlgala koonfurta soomaaliya waa ciidamo beeleed oo lama oran karo ciidamada xooga Dalka soomaaliweeyn.Ciidamada Xooga dalka soomaaliya waxaa loogu yeeri karaa ciidamo ka wada kooban soomaaliya oo dhan GEES-KA-GEES.
    Ugu dambayn waa qalad in maleeshiyaad beeleed loogu yeero ciidamada qaranka soomaaliweeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here