Daawo Sawirro: Sida Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa galabta loogu soo dhaweeyay dalka JABUUTI

Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaraaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Isgaarsiinta iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Xukuumadda Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Jabuuti ayaa Isniinta berri ah wada hadallo ka yeelanaya xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood.

Booqashadan ayaa salka ku haysa aragti wadaagga ku saleysan iskaashiga, wadajirka, danwadaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa uu maanta ku tagay dalka Jabuuti ku wehlinaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. ASc.
    Safarada madaxda soomaaliya ee waayahaan dambe waxay noqdeen isugu faan iyo tamashle loo dalxiistago wadamo ay dadkii xukumay nidaamsadeen dalalkooda.Intii uu bur-burku ku dhacay dalka soomaaliya boqolaal jeer bay madaxdu kala safreen.Wax ay wanaag iyo maslaxad u keeneena soomaaliya iyo soomaaliba wali uma jeedno.Bal Jabuuti,Eritireeya iyo Itoobiya oo ayaguba daxaya ku xabkaysta maxay soomaali ka faa’iidsaysaa?Siyaasad iyo dhaqaalo toona looga aayi mahayo saddexdaas dal.Waxaase iiga sii daran say Itoobiya ugu dhex laban tahay arimaha soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here