DHAGEYSO: Puntland oo KHAMRI fara badan oo ku soo bandhigtay Boosaaso & Dadkii ka ganacsanayay +(Daawo Sawirro)

1

Boosaaso (Halqaran.com) – Waxaa maanta magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ee maamulka Puntland lagu soo bandhigay mandooriyaha Khamriga oo aad u faradan iyo rag iyo dumar la sheegay inay ahaayeen kuwo Khamrigaasi ka ganacsanayay.

Kadib howlgal Ciidamada Booliska ee Puntland ay ka sameeyeen Magalada Boosaaso ayaa waxay ku soo qabtaan Khamrigaasi tirada badan oo ay ku jireen dhalooyin iyo caagado farabadan.

Dadkii loo soo qabtay, Khamirgaasi tira badan ayaa waxaa la geeyay Xarunta Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari, si xukun loogu rido.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamed oo ka hadlayay goob fagaaro ah oo maanta Khamriga lagu burburiyay ayaa sheegay in magalada Boosaaso iyo deegaannada kale ay weli ku harsan yihiin dad ka ganacsanaya, sidoo kalena isticmaalaya, kuwaasoo noocyo kale duwan leh.

Taliyaha ayaa xusay, in dadka ka Ganacsnaya maandooriyaha Khamriga ay ula dagaalami doonaan sida maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana Maxkamada  Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari uu ka dalbaday in xukmiso gurigii lagu arko, laguna iibinayo Khamriga lala wareego.

Haddaba hoos ka dhageyso Shirka Jaraa’id ee Taliyaha:

 

Hoos ka Daawo Sawirrada Khamrigii maanta lagu soo bandiga Boosaaso:


Xafiiska Halqaran.com, Boosaaso
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. ASC.
    Maandooriyaasha soo gala ardiga puntlaan cirka iyo badda kama yimaadaan ee dhulkaa la soo mariyaa.Xuduudaha puntlaana waxaa inta badan fadhiya ciidamo ilaaliya meelaha la isleeyahay dad iyo gaadiid baa si sharci daro ah uga soo tilaabi kara.Maandooriyuhuna ma aha wax yar oo meel yar lagu qarin karo.Saas markay xaajo tahay soo lama oran karo waxaa la LAALUUSHAA ragga waardiyeeya meelaha loo soo maro wadooyinka ka yimaada dhanka Itoobiya?Shakila in uu laaluush shaqeeyey.Waxaana la oran karaa dadka khamriga keena puntlaan iyo qaar ka mida askaraha xuduudaha baa xiriir ganacsi wada leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here