LA OGAADAY: KENYA oo sheegtay in ay garab taagan tahay Axmed Madoobe, si uu markale u soo baxo!

Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa la sheegay in ay dadaal badan ku bixinayso siduu uu kusoo laaban lahaa  Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed madoobe).

Wargeyska the Standard ee ka soo baxa Kenya ayaa qoray in Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ay waddo dadaal xoog leh oo diblomaasiyadeed kaas oo ay ku dooneyso in doorashada Jubaland uu ku guuleysto mar kale Madaxweyne Axmed madoobe.

Sidoo kale wargeyska ayaa sheegay in danta Kenya ay ku jirto in axmed Madoobe dib loo doorto islamarkaana ay Kenya xoog badan gelineyso arrintaas.

”Dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritrea waxa ay sameeysteen Isbahaysi,waxa ay doonayaan in ay beddelaan Madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe, balse Kenya waxa ay doonaysaa in uu soo laabto maadaama uu yahay saaxiibka ugu dhow”, ayaa lagu yiri warka wargeyska the Standard.

Doorashadda Maamulka Jubbaland oo meel xasaasi ah maraysa ayaa haatan waxaa lawada sugayaa Doorashadda madaxweynaha cusub ee maamulkaas.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here