XOG: Ogow Magacyada iyo Qabiillada ay u dhasheen raggii Awdheegle isku qarxiyay & Qaabka ay isku qarxiyeen!

0

Awdheegle (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay magacyada iyo qabiilladii ay ka dhasheen labadii nin ee isku qarxisay Xerada Ciidamada dowladda ee Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose.

Idaacada ku hadasha afka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee Andalus ayaa laga baahiyay Wareysiyo laga qaaday labadan nin oo ka hadlaayay Ismiidaaminta ay fulin doonaan iyaga oo sheegay inay doonayaan sida ay hadalka u dhigeen dhiigooda shacabka inay ku badbaadiyaan.

Muxamed Deeq Ibraahim Aadam oo ahaay ninkii kaxeynaayay gaarigii koowaad ee isku qarxiyay Xerada Awdheegle wuxuu u dhashay Qabiilka Dir Gaadsan.

Nuur Ibraahim Xasan Gaabow oo isagana ahaay ruuxii labaad ee kaxeynaayay gaariga kale wuxuu u dhashay qabiilka Jilible ee dega Gobolka Bakool.

Labadan nin oo dhalinyaro ahaay ayaa ka tirsanaay Kooxda isqarxinta maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasi oo ugu dambeyn naftooda ku waayay qaraxyadaasi ay fuliyeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa u buuxa dhalinyaro badan oo ku qoran maktabka nooca loo yaqaan Isqarxinta.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here