AKHRI + WAR CUSUB: Madaxweynaha Puntland oo maanta mar kale xilal cusub magacaabay +(Magacyadooda)

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-62, Ogoosto 19, 2019 ku magacaabay Taliye Xigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska Puntland iyo La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa S/Guuto Caydiid Axmed Nuur Saciid loo magacaabay Taliye Kuxigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Deni ayaa sidoo kale Ismaaciil Saleebaan Geelle waxaa uu u magacaabay inuu noqdo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda.

Xeerarkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *