DHAGEYSO: Ogow Caqabadaha hor-taagan Shirka dib-u-heshiisiinta Beelaha Galmudug & Dr. Baadiyow oo sheegay xaqiiqda! +(WAREYSI)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddiga dib-u-heshisiinta maamulka Galmudug ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu doonaayo in lagu furo Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo markii labaad dib u dhac ku yimid.

Qaar ka mid ah beelaha degan maamulka Galmudug ayaa wali diidan in ay ka qeyb galaan Shirka maamulka Galmudug.

Beelahan ayaa sheegay in ay qabaan tabashooyin ku aadan hanaanka dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku waddo dhismaha maamulka Galmudug.

Caqabaddaha ugu weyn waxaa ka mid ah Ammaanka xarunta shirka Dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo wali aan Ciidan rasmi ah lagu wareejin, taasoo keentay in Boolis iyo nabad-suggid ay ku dagaallamaan.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ah guddoomiyaha guddiga u dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo la hadlay Radio Risaala ayaa sheegay in dhammaan Ergooyinkii ka qeyb galaayay Shirka ay soo gaareen Magaalada Dhuusamareeb, maalmaha soo socdana uu shirka furmi doono.


Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. Aniga Sida aay ilatahay dhibatada manta katagan dhulka somalida waxa kamasul ah,1 Madaxweynaha Dawlada fadaralka somaliya Mr.Maxamed Abdullahi Maxamed Farmajo,& R/wasarihisa Xassan Cali khayre,malintey Talada wadanka lawaregen wadanku sidan hader yahay waa kaficna,marka laga rebo dhibatada Alshabab,waxa larabey in aay si horumariyan wadanka hase ahate wadanka wa curyamiyen,tusale 5 mamulgobaled oo dhismaya Xaga dhaqalaha horumarinta kaba yasha dhaqalaha hoos ayey uga dhecen herki hore ee aay ku socden,dhanka Amaanka asagana wa kasii daray,waxa si xogeystay ururka Alshabab oo jaanis uhelay xukumada muqdisho oo Dayacaday Amanka & horumarinta bulshada somaliyed,waxay Xiriir sharci Daro ah layelatay Xukumada itoobiya oo shacbiga somaliyed Rali ka’ahan,waxay Awoodi ka Xayubisay Barlamanki Qaranka somaliyed,waxay sharci kadhigatay Laluush in lagu kala furfuro Haydaha Dawliga ah si aay ubanaystao khaladadka aay ku dhex wado mamulada sharciga ah oo wadanka ka dhisan lama sokobi karo Tacadiga & folxumada aay wadanka somaliya kawadan 2 masuul ee ugu sareya Awooda wadanka somaliya,maxamed Abdullahi maxamed farmajo & Xassan Cali khayre,wadanka somaliya waxay ku wadan wado halaag ah hadan ummada somaliiyed iska qaban inta goori goortahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here