UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo Khasaare geystay oo ka dhacay Bariire

Bariire (Halqaran.com) –  Ciidamo ka tirsan maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa waxa ay dagaal culus ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose oo Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Saldhig Ciidan

Deegaanka Bariire Ciidanka degan oo ah Ciidamada Kumaandooska Somaliya Danab, ayaa halkaasi Shabaab ka qabsaday bilooyin ka hor, waxaana wararka ay sheegayaan dagaalkii xalay inuu ahaa mid aad u culus.

Taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda,isla markaana ay uga dileen in ka badan 20 dagaal yahan.

Waxaan xaqiijineynaa in aan khasaaro badan gaarsiinay Al-Shabaab, 20 ka tirsan ayaa ciidamada dowladda ku dileen duleedka Bariire, kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan saldhiga ciidamada ee Bariire.”Ayuu yiri Odawaa Yuusuf Raagge.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Saraakiisha Ciidamada dowladda oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee Shabaab ka soo gaaray dagaalkii cuslaa ee xalay ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose.

Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab kuwa Xoogga dalka Somaliya ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo kala duwan waxa ay ka wadaan deegaano & Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here