DEG DEG: Faah-faahin cusub– Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Ciidamada Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Hadaaftimo + (SAWIRO)

Hadaaftimo (Halqaran.com) – Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta ciidamada Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray degmada Hadaaftimo oo ku taalla galbeedka magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii ciidamo ka tirsan Puntland ay weerar ku qaadeen wafdi ka socday Somaliland ku soo jeeday magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, kuwaasi oo marayey nawaaxiga degmada Hadaaftimo sida ay sheegeen dadka degaanka.

Sidoo kale, ciidamada Puntland ayaa qabsaday gaari Land Cruiser ah oo uu leeyahay guddoomiyaha Somaliland ugu magacaaban gobol ay u bixisay Badhan oo loola jeedo degmada Badhan iyo degaannada hoos yimaada sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wafdiga Somaliland oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha u qaabilsan gobolka Badhan oo lagu magacaabo Maxamuud Xaamud ayaa dib uga laabtay degmada Hadaaftimo, kadib dagaal saacado halkaasi ka socday.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

2 COMMENTS

  1. ASC.
    Waa gardaro an geed loogu soo gaban in uu isaaq sheegto dhul aysan u dhalan oo aysan deegaano ku lahayn.Marna lama soo arag oo lama maqal beelaha Daarood oo sheegta dhul Isaaq ama dhul ay leeyahiin soomaali kale.Saas darteed maamulka soomaalilaan wuu gardaran yahay.Gardarona laguma guulaysto oo waa lagu jabaa.War soomaali way kala guurtay oo ay u kala guurtay hay-hayb hoose.Saas darteed waa ila qalad in ay beesha Isaaq tiraahdo waxaan xoog iyo jajuub ku haysanaynaa dhul iyo dad Daarood.
    Ugu dambayn in la wada hadlo oo nabad iyo xasilooni lagu wada heshiiyo waa muhiim.Dhulka lagu murmayo muran kuma jiro oo waa dhul Daarood,hase ahaatee haddii ay Isaaq wax ka dagayaan oo ay nabad ku joogaan dhulku dadkoo dhan ka badan ee hala joogiyo dagaalada sokeeye.

  2. ASC.
    Haddii uu Axmad Karaash u oon qabo dagaalo lala galo soomaalilaan ha dagaal galiyo ragga dhulbahante.Dagaal waxaa dhaama wada hadal iyo isafgarad lagu wada heshiiyo nabad iyo kala raali ahaansho waara.Haddiiba nabad la heli karo maxaa looga baahan yahay dagaalo sokeeye?Waa waxba.Waa ila qalad iyo fakar gaaban in uu Axmad karaash yiraahdo ma rabno hadal lala galo maamulka soomalilaan.Maamulka soomaalilaan wuu ku gardaran yahay in uu sheegto dhul uusan shaqo ku lahayn.Hase ahaatee in la wada xaajoodo waa muhiim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here