DAAWO VIDEO: Maxay Somaliland ka tidhi in Gaadiid dagaal looga qabsaday dagaalkii Hadaaftimo & Wasiirka Cadaalada Somaliland oo..

Laascaanod (Halqaran.com) – Xukuumadda Somaliland oo uu hoggaamiyo Muuse Biixi ayaa markale ka hadashay dagaal shalay degmada Hadaaftinimo ee gobolka Sanaag ku dhexmaray Ciidanka Puntland iyo kuwa Somaliland.

Wasiirka Cadaalada Somaliland, Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay khasaare gaadhsiiyeen ciidamada Puntland oo uu sheegay inay dagaal ku soo qaadeen gudoomiyaha Badhan  Maxamuud Xaamud Cumar.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ka dhawaajiyey in ciidamada Somaliland ay dileen Taliyihii watay ciidanka Puntland ee weerarka Hogaaminayey,   wuxuuna xusay in madaxweyne Deni uu shirqool u maleegayo madaxda Somaliland, isla markaana uu dabin ahaa wada-hadalkii uu ku baaqay.

“Waxayna gudoomiyaha u galeen meel la yiraahdo Karin-duushay oo hadaaftimo iyo badhan u dhaxeysa, kadib markuu ka tagay magaalada, waxbana kamay faa’iidin khasaare weyn ayaa ka soo gaaray, jab baa kasoo gaadhay oo dhibaato weyn bay kala kulmeen, waxaana halkaa ku dhintay Taliyihii ciidankaa watay ee Puntland waxana ku dhaawacmay ku-xigeenkiisi waxayna qaateen dhaawac badan”. Ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa sii raaciyay,“Deni wuxuu lahaa wada-hadal ban la fureyna Somaliland, taasina waxay aheyd dhagar qarsoon oo uu ku gabanayey kuna gadayey madaxda Somaliland iyo gudoomiyaha Badhan, dhagartiina wey muuqatay wax la aamini karona heshiiska uu sheegayo maaha,  Wax aan ka heshiin oo naga dhaxeeya majiro, muxuu nagula heshiinaya maba jiraan wax uu nagula heshiiye”.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *