DAAWO SAWIRRO: Qoyska AUN Eng. Yariisow oo maanta lagu soo dhaweeyay xafiiskii uu Aabahood ka shaqeyn jiray ee xarunta dowlada hoose

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Qoyska Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir & Duqii Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa waxaa maanta lagu soo dhaweeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Sii Hayaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Ibraahim Cumar Mahad Alla (Ibraahim Dheere) ayaa qoyska Eng. Yariisow ku qaabilay Xarunta Dowladda Hoose.

”Waxaan maanta Xarunta Dowladda Hoose ku soo dhaweeyay qoyska Allaha u naxariistee Duqii hore ee Muqdisho ahaana Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow).” Ayuu yiri Ibraahim Cumar.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qoyska Eng. Yariisow uu soo kala tusay qaybaha kala duwan ee Xafiisyada Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir iyo sida ay shaqada uga socoto.

”Waxaan soo kala tusay qaybaha kala duwan ee Xafiisyada Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar iyo howlaha socda oo maamulku dardar ku wado.” Ayuu yiri Ibraahim Dheere.

Ibraahim Dheere ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalkii iyo dhabar adaygii uu ku caanka baxay Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, ayna markasta xusuusnaan doonaan.

Waxaa laga joogaa muddo bil ah qaraxii 24-kii bishii July ka dhacay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaasoo galaaftay nolosha toban ruux, oo uu ku jiro Duqii hore ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here