Hargeysa (Halqaran.com) – Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa si kulul uga hadlay Ciidamo ka tirsanaa Somaliland oo maalintii shalay ku biiray Puntland, kuwaasoo fadhigood ahaa magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
”Laba Sano oo Xukuumadan Joogtay aad ayay u badatay Cabashada Bulshadu dhankastaba, Waa markiii koobaad ee calanka dhulka la dhigo, Waxaana dhaliisha leh madaxwayne Muuse Biixi iyo Wasiirka arimaha gudaha, oo wakhtigiisu ku dhamamaday muranka iyo dooda Komishinka Doorashada, waxaana intaasi gacanta Somaliland ka baxday Sanaag Bari”.
”Waxaa shalay ka dhacday magaalada Badhan in Ciidankii Somaliland iyagoo Jooga Xeradoodii inay ku Biireen Puntland, taasoo kasoo go’day Laabtooda iyadoo aysan Jirin cid Qabsatay, Sanaag bari Galbataye, waxaan ka cabsi badan ka qabnaa inay gobolo kale ka baxaan Gacanta Somaliland”, Ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Wadni Barkhad Jaamac Batuun.
Si kastaba ha ahaatee, xisbiga Waddani ayaa rajo xumo ka muujiyey in marka Muuse biixi meesha ka baxo inay u imaan waayaan Somaliland oo mid ah .
”Xisbi ahaan waxaanu Bulshada Sanaag ugu baaqaynaa Muuse Biixi wuu tagayaa, waa hubaal ee yaan la kala Tagin”, buu yidhi Barkhad Jaamac Batuun.
Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com