WAR XASAASI AH: Ma Dhabbaa in Sacuudiga uu aqoonsaday Baasaboorka Somaliland + XOG

Riyad (Halqaran.com) – Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay Warar sheegaya in dowladda Sacuudiga ay aqoonsatay Baasaboorka Somaliland, xilli ay xun tahay maalgashiga dowladda Qatar ay ka bilowday Soomaaliya.

Warbaahinrta Caalamka ayaa qortay in loolanka u dhaxeeya Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar uu Sababay in dowladda Sacuudiga ay si toos ah u aqoonsato xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi, baasaboorkana si ay Soomaaliya ugu caddaadiso joojinta xiriirka maalgashi ee dowladda Qatar.

Wargayska Daily Sabah ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa maqaal uu qoray waxaa uu is-barbardhig ku sameeyay danaha dawladaha Qadar iyo Sucuudiga ee arrimaha Soomaaliya.

Wuxuu kaloo wargeysu xusay, in kaddib markii dawlada Qadar ay bilaawday maalgalinta dekedaha dalka, gaar ahaan Dekadda Hobyo uu Sacuudigu aqoonsaday baasaboorka Somaliland, Taas oo u muuqata mid dhaawac ku ah jiritaanka dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wargeyska ayaa labada dal tilmaamayaa in uu aad u wayn yahay, danaha ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya

Somaliland ayaa dhawaan shaacisay in dowladda Sacuudiga ay madaxweynaha Somalilanld, Muuse Biixi Cabdi ay Casuumaad rasmi ah ay u dirtay, islamarkaana uu qeyb galay xajkii sanadkan.

Ugu dambeyn, wargeyska Daily Sabah ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi iyo Mas’uuliyiintii la socotay ay ku safreen Baasaboorka Somaliland, taasi oo dowladda Sacuudiga Carabiya ay sheegtay in ay aqoonsatay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *