XOG: Ma ogtahay in muddo bil ah ka soo wareegatay qaraxii xarunta dowladda hoose ee lagu dilay AUN Eng. Yariisow?

Xarunta dowladda Hoose ee gobolka Banaadir ee lagu dilay AUN Eng. Yariisow & mas’uuliyiin kale.

Muqdisho (Halqaran.com) ā€“ Waxaa durba ka soo wareegtay muddo bil ah Qaraxii ka dhacay Xarunta dowladda hoose ee Gobolka Banaadir, 24-kii Bishii July Maalin Khamiis ah, xilli uu halkaasi ka socday Shir masuuliyiinta Gobolka ay fadhiyeen.

Bil kadib illaa hadda lama haayo warbixin rasmi ah oo baaritaan ah oo ay soo saartay dowladda hoose, marka laga reebo Baaritaan hordhac ah oo Wasaaradda Amniga ay soo bandhigtay.

Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir oo ay fulisay haweenay araga la, ayaa waxaa ku dhintay AUN Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo masuuliyiin kale oo gaaraya illaa 10 qof.

Dowladda Soomaaliya ayaanan bil kadib si sax ah u sheegin sida Qaraxaasi lagu fududeeyay iyo habka loo soo galiyay Xarunta dowladda hoose.

Khubarada falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay baaritaanka saxda ah ee dhacdadan, islamarkaana uu jiro fashil dhanka ammaanka ah.

Su’aalaha illaa hadda ay isweydiinayaan shacabka Soomaaliyed ee dowladda jawaab looga fadhiyo ayaa ah:

1: Qaraxa yaa fududeeyay oo gudaha galiyay.?

2: Haweenayda Isqarxisay baaritaanka sharciga ma martay mise?

3: Masuuliyiin dowladeed arrintaan maku lug leeyihiin?

4: Illaa hadda yaa u xiran oo Cadaaladda la horgeyn doonaa?

5: Haweenayda isqarxisay, Qaraxa irida miyay kala gashay mise gudaha ayaa loogu dhiibay?

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here