UPDATE: Ciidamada DF Soomaaliya ee la geeyay Dhuusamareeb oo xarumo muhiim ah la wareegay & Wararkii ugu dambeeyay

0

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya ee la geeyay Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu soo sheegayaa inay la wareegeen xarumo muhiim ah oo ku yaallo Magaaladaasi.

Ciidankaan oo ah Booliskii dowladda ay u dirtay Magaalada Baydhabo xilligii doorashada Koonfur Galbeed ayaa waxaa hoggaaminaayo Sarkaal lagu magacaabo Farxaan Qaroole.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb iyo Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in ciidamadan ay la wareegeen.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada ayaa Halqaran.com u sheegay, in ay sugayaan ammaanka xarumaha ay la wareegeen ee Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka aynu haleyno ayaa sheegaya in masuuliyiinta Maamulka Ahlu Sunna uu u socdo shir xasaasi ah oo ay kaga hadlayaan xaaladda ku soo korodhay Magaalada Dhuusamareeb.

Ahlu Sunna oo horey u diiday in Ciidamo la geeyo Magaalada Dhuusamareeb, ayaan haddana la ogeyn sida ay uga fal celin doonaan arrintaan maanta ka taagan Dhuusamareeb oo ciidan la soo buuxiyay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here