DHAGEYSO: Cabdi Qaybdiid oo Afka furtay, eedeynna ujeediyay Madaxda DF Somaliya iyo Maamul Goboleedyada + XOG CUSUB

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta eedeyn waxaa uu u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada.

Mar uu ka hadlaayay Shir Maanta Guddiyada Dastuurka uga furmay Garowe ayuu sheegay in 10-kii Cutub ee horay ugu gudbiyeen Dowlad Goboleedyada ee dib u eegista lagu sameeyay aysan wax jawaab ah kasoo bixin, hayeeshee uu rajeynayo in 15-ka kale  ay u gudbin doonaan laga mira-dhalin doono kana soo jawaabi doonaan.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay in Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya kaalintii laga doonayay ee dib u eegista Dastuurka dalka aysan kasoo bixin,isla markaana waxaaa uu rajeeyay in Shirka Maanta uga furmay garoowe uusan noqon kaliya isku imaatin,hayeeshee laga run sheegi doono.

”Madaxda dowladda dhexe iyo dowlad Goboledyada gacantii loo baahnaa inay siiyaan Dastuurka Qaranka, lama siin baan leeyahay, waxaan rajeynayaa wixii hadda ka dambeeya in laga daayo gacan siin la,aanta Dastuurka Somaliya.” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Dastuurka Soomaaliya dib u eegistiisa ayaanan la siinin ahmiyad badan, maadaama madaxda dowladda si wayn uga caga jiidayaan.

Xafiiska Halqarna.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here