XOG CUSUB: Maxaa ka soo baxay Kulankii ay Adis Ababa ay ku yeesheen Madaxweyne Deni, C/weli Gaas & Siyaasiyiin kale (Ogow wax badan)!

0

Adis Ababa (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, saacadihii la soo dhaafayna kulamo siyaasadeed la lahaa dhinacyo kala duwan ayaa la kulmay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno kale oo ay ku jiraan siyaasiin ka aragti duwan madaxda dawladda Soomaaliya.

Mr. Deni ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweynihii uu xilka kala wareegay Cabdiweli Maxamed Ali Gaas oo maalmihii u dambeeyey kusugnaa magaalada Addis Ababa, waxaana kulankan looga wada hadlay xaaladdaha siyaasadda ee gudaha Soomaaliya.

Labada mas’uul Deni iyo Gaas ayaa isku aragti waqtigan ka ah arrimaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay wado, waxaana xogo kala duwan oo laga helay shirkan ay sheegayaan in laga wada hadlay doorashada soo wajahan ee Soomaaliya, sidii saameyn ay ugu yeelan lahayd Puntland.

Sidaas oo kale kulankan, waxaa xubno ka noqday goor dambe ku biiray Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland CabdiXakiim Xaaji Cumar Camay iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga Cabdiweli Indho-Guran, waxayna ka wada hadleen marxaladaha siyaasadda.

Sidoo kale, ilo ku dhow dhow labada mas’uul ayaa sheegaya in ay isla so hadal qaadeen suuragalnimada in ay Puntland doorashada dhaw ee Soomaaliya la tagto aragti mideysan oo ku wajahan siyaasadeeda, gaar ahaana cidda ay u sharaxayso in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, magaalada Addis Ababa waxaa ku sugan oo ay masuuliyiintan la kulmeen wafuud ka socota dhanka Koonfurta ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan xubno saameyn ku leh arrimaha Galmudug oo ay kala hadleen sidii doorashada Galmudug u noqon lahayd mid aysan saameyn badan ku laheyn kooxda Nabad iyo Nolol.

Ugu dambeyn, madaxweynaha maamulka Puntland ayaa lafilayaa in uu Khamiista berri ah u safro dalka Kenya, isagoo halkaas sidaas oo kale kulamo kula yeelan doona qaar kamid ah madaxdii hore ee dawladda Soomaaliya oo ay ka wada hadlayaan arrimaha dalka iyo sidii ay u dhici lahayd doorashada 2021-ka waqtigeeda oo aan waxba lagu darin.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here