Kismaayo (Halqaran.com) – Cabdi-rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah saddexda madaxweyne ee dhowaan lagu doortay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shirqoolo ka dhan ah xubnaha isbedal doonka uu ka bilowday magaaladaasi.
Cabdi-rashiid Xiddig oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa xaqiijiyey in la beegsanayo qaar ka mid ah xubnihii la doortay, golaha baarlamaanka, odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan shacabka isbedel doonka, sida uu hadalka u dhigay.
”Dhammaan isbedel doonka Jubbaland waxaan idiin xaqiijinayaa inay bilaabatay shirqoolo lagu ugaadhsanayo xubnihii isbedel doonka iyo qaar kamida xubnihii la doortay, golaha baarlamaanka , odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan shacabka isbedel doonka.” ayuu yiri Xiddig.
⇓ Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso Leh⇓
- DAAWO SAWIRRO: Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir ‘Cumar Finish’ oo Cashar adag ka bartay Dilkii Eng. Yariisow (War Xiiso Leh)
- Maxaa ka ogtahay Amarka adag ee DF Somaliya ku soo rogtay diyaaradaha tagaya Kismaayo?
Xiddig ayaa sidoo kale xusay, in aysan jiri doonin cid hor istaagi karta geediga isbedelka Jubbaland, islamarkaana ay guuleysan doonaan.
Hadalka Xiddig ayaa ku soo aadaya, xilli dhowaan doorashooyin iska horjeed ay ka dhacayeen Kismaayo, laguna doortay Axmed Madoobe, Cabdirashiid Xidig, iyo Cabdinaasir Seeraar.
Ugu dambeyn, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe ayaa dhaceysa 26-ka bisha September soo socota.
Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com
Hadallka kaso yeray Xildhiban Abdirashid maxamed Xidig ee ku sabsan in labegsanayo Xubnaha mucaradka ah ee isga ku fekarka ah,ee ushaqaynaya Xukumada muqdisho oo kaga soqatay kontaragti Duminta mamulka jubaland,ayuu donaya in uu Qiil ugu radiyo si uu uhelo tagro dherad ah oo uu xukumada muqdisho uu tuso in uu shaqeyano,matalan hadey dhibato ka so garto koxaha Alshabab in uu ka dhigo in mamulka axmed madobe in loracdo oo kiis loga dhigo,waxusan ogeen kisaska somaliya ka dhaca in aay yihin kuwo aan jogsi lahaan waligedna aan cid loracan wax laga qabto aaysan jirin,sababtoo ah somaliya oo dhan aya fowdo ah.