UPDATE: Dowladda Kenya oo ka jawaabtay Eedeyn kaga timid dowladda Soomaaliya (Maxaa cusub?)!

0

Nairobi (Halqaran.com) – Kenya ayaa ka jawaabtay eedeyn kaga timid Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle), kaasoo sheegay in askarta Kenya ay qeyb ka tahay dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada Kenya Paul Njuguna ayaa beeniyay eedeynta kaga timid Danjiraha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Ciidanka ay Soomaaliya u jooggaan howlo nabad ilaalin ah.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka kenya lagu sawiray iyaga oo dul taagan goob laga raraayo dhuxusha Soomaaliya oo ku taalla gobolka Jubadda Hoose.

”Shaqada AMISOM oo KDF ay ka mid yihiin waa  ka qeybgalaan howlgallada lagu taageerayo nabadda iyo raadinta xasilloonida dalka Soomaaliya” ayuu yiri Afhayeenka.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku sii daray “Eedeyn kasta oo la xiriirta ku lug lahaanshaha dhaqdhaqaaq kale waa mid aan sal lahayn. Kenya waxay tahay ayna sii ahaan doontaa isbedelka taariikhda muqaawamada Soomaaliya. Dadaal kastoo lagu weji xumeynayo qeybtaas taariikheedna waa mid aan waxtar lahayn” ayuu yiri Afhayeenka.

Si kastab, Khubarada Qaramada Midoobay ayaa warbixin hore ku shaaciyay in dekadaha dhuxusha laga qaado ay ku yaallaan magaalooyinka Kismaayo iyo Buur Gaabo, waxaana magaalooyinkaas si buuxda u jooga ciidanka Kenya ee ka hoos shaqeeya howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee Amisom.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here